BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiga Waddani oo Ka Jawaabay Hadalo Kasoo Yeedhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland
August 4, 2019 - Written by admin

Xisbiga Waddani oo Ka JawaabayXisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa shaaciyey inay dacwaynayaan wasiir ka tirsan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.
khadar guuleed9

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay golaha wakiilada ka dacweyn doonaan wasiirka warfaafinta, isaga oo xusay inaanay ula yooyootamayn qaabka uu u hadlayo.

Xoghaye Khadar oo ka hadlaya dacwada ay ka gudbinayaan wasiir Maxamed Muuse Diiriye ayaa waxa uu yidhi “”Warqad ayaanu u qori doona golaha wakiillada aanu ugu sheegayno in ay u yeedhaan wasiirkaasi oo ay waydiiyaan in uu sharraxaad ka bixiyo sababta uu ciidanka Qaranka u reeraynayo, sababta uu askarta la yaqaanay ee waligood ciidanka ahaa ee Qaranka u dagaallamayay ugu sheegayo xisbi in uu caddaynteedii baarlamaanka hor keeno oo baarlamaanku waydiiyo oo baarlamaanku waajibkiisa ka guto,”.

Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi wuxuu sheegay in aanay xisbi ahaan la yooyootamin wasiirrada u hadla sida liidata ee meeqaamkeedu ka hooseeyo minqiyaaska laga filanayo wasiirrada iyo siyaasiyiinta dadku ku dayanayaan laakiin, hadalka shalay ahaa mid milgo la’aan ah “Tan shalay waa ninkii maydku ka dhacay ee yidhi ‘hadduu sii go’ay’ oo tii horeba tu ka daran ayuu wasiirku ka hadlay shalay waxaana ka makhraati ah shacbiga Somaliland oo muujiyay sida ay uga xumaadeen ee u diideen oo baraha bulshada iyo meel walba lagu faallaynayay. Dadka qaar baa damiirkoodu nool yahay oo wasiirro dawladda ka tirsan ayaa aniga ila soo hadlay si ay iigu sheegaan arrintaasi in ay ka xun yihiin uu wasiirka xukuumadda afkeeda ku hadlay ku hadlayay,”ayuu yidhi Mudane Khadar. Hadalo Kasoo Yeedhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS