BALIGUBADLE MEDIA
Wufuud ay Hogaaminayaan Madaxwaynayaasha Somalida Iyo Oromadda Ethiopia oo Gaadhay Deegaano Ka Tirsan Ismaamulka Somalida
August 5, 2019 - Written by admin

Madaxweyneyaasha maamulada Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya ayaa gaadhay magaalada Dhagaxbuur ee dawlada deegaanka soomaalida.
twice

Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo dhigiisa maamulka Oromada oo ka qayb galayey shir layskugu soo dhawaynayo shacabka labada deegaan oo ka socday Jigjiga ayaa kormeerka ay ku tageen magaalada Dhagaxbuur waxa uu bilaw u noqonayaa safaro ay ku soo gaadhayaan magaalooyin kala duwan oo deegaanka soomaalida ka tirsan.

Weftigan oo ka kooban masuuliyiinta labada deegaan, madax dhaqameedka labada maamul iyo xubno kale ayaa soo dhawayn diiran kala kulmay dadweynaha magaalada Dhagaxbuur.

Weftigan ayaa mudada ay joogaan magaalada Dhagaxbuur waxay kulamo kala duwan la qaadanayaan dadweynaha magaalada Dhagaxbuur kuwaas oo mudo ku sugnaan doona magaalada.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS