BALIGUBADLE MEDIA
UK Oo Digniino Iyo Hanjabaado Isku Raacisay Midawga Yurub
August 4, 2019 - Written by admin

Xoghayaha UK u qaabilsan ka bixitaanka Midowga Yurub Stephen Barclay ayaa farta ku fiiqay in hogaamiyeyaasha midowga Yurub ay tahay inay siiyaan madaxooda wadaxaajoodka ogolaansho dib loogu eego heshiiska ka bixitaanka UK, haddii kale heshiis la’aan ay Britain ku baxdo aanu noqon doonin mid laga soo dabco.

stepehen

Qoraal uu ku qoray wargeyska The Mail on Sunday ee magaalada London ka soo baxa ayaa Mr Barclay wuxuu carabka ku adkeeyey “in xaqiiqda siyaasadeed ay is badashay tan iyo bishii May oo ay dhaceen doorashooyinka Baaralamanka Yurub”.

“Xildhibaanada cusub ee baarlamanka Yurub ee la soo doortay 61% kuraastaasi ayaa muujinaysa in ay calaamad u tahay Isbadal rasmi ah” ayuu yiri S.tephen Barclay.

Wuxuu ugu baaqay madaxda midowga Yurub inay u ogolaadaan Michel Barnier [Madaxa wadaxaajoodka Yurub] in uu galo wadaxaajood xal loogu raadiyo hannaan la isku raacsan yahay oo lala galo UK.

Brussels ayaa had iyo goor waxay ku celcelisaa in heshiiska ka bixitaanka oo ah mid ka mid ahaa labada qodob ee qorshihii Ra’isalwasaarihii hore ee Britain Theresa May oo ay si adag u diideen mudanaayaasha Baarlamanka aan dib looga wada xaajoon karin.

Mr Barclay ayaa tibaaxay in Mr Barnier uu ugu sheegay wadahadal uu la yeeshay todobaadkii hore in uu ku taagan yahay habraaca ay siiyeen guddida Midowga Yurub iyo madaxda dalalka xubnaha ka ah.

Laakiin isbadalka ka dhacay Baarlamanka Midowga Yurub ayaa ka dhigan baahida ah in Midowgu uu wax ka baddalo qorshahooda, sida uu hoosta ka xariiqay xoghayaha Britain u qaabilsan howsha ka bixitaanka.

Hadalka ka soo yeeray Stephen Barclay ayaa ku soo aadaya xilli todobaadkan uu Ra’isalwasaaraha cusub ee Britain, Boris Johnson ka shanqariyey in UK oo Yurub uga baxda heshiis la’aan ay tahay mid u taal hogaamiyayaasha Midowga Yurub.

Maxamed Herari waa aqoonyahan ka faallooda siyaasadda UK, wuxuuna ka hadlay waxa uu ka dhigan yahay hadalka ka soo yeeray Stephen Barclay iyo mowqifka xukuumada Mr Johnson ee arrinta ka bixitaanka.

“Tan iyo magacaabistii Boris Johnson ee Ra’isalwasaaraha Britain waxaa aad u xoogeystay go’aanka UK ee ka bixitaanka Midowga Yurub marka la gaaro 31-ka bisha October” ayuu yiri.

Mohamed Hereri waxaa kale oo uu qabaa in qorshaha ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub aanu noqon doonin mid wax iska badalaan, maadaama Midowga Yurub aanu dooneyn in ay dib u eegaan heshiisyadii ay la galeen Mrs May.

Boris Johnson ayaa sare u qaaday hadaladiisa cad cad oo ku jihaysan doonistiisa in UK ka baxdo midowga Yurub, taasi oo uu ugu yeeray “guul ama geeri”.

Source:- BBCsomali

COMMENTS