Trump Oo Bartilmaameedsanaya Muhaajiriinta Saboolka Ah Ee Sida Sharciga Ah Ku Joogo Mareykanka
August 13, 2019 - Written by admin
Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartilmaameedsanaya muhaajiriinta saboolka
ah ee sida sharciga ah ku joogo dalkaas gaar ahaan marka ay timaaddo in wakhti dheeri ah loogu daro xilligga uu dhacayo dal-kugalkooda ama in degnaansho joogta ah laga siiyo Mareykanka.
Sharcigan ayaa waxaa uu beegsanaya muhaajiriinta in ka badan muddo sannad ah ku tiirsan adeegyada ay dowladda bixiso sida gargaarka cunnooyinka ah ama guryaha.
Sharcigan wax saameyn ah kuma yeelan doono muhaajiriinta degnaanshaha joogtada ah heysto,qaxootiga iyo dadka kale ee magangelyo doonka ah.
Dadka uu sida weyn bartilmaameedsanayo sharciga waxaa amid ah kuwa doonayo in wakhti dheeri ah loogu daro xilliga uu dhacayo dal-kugalka ama inay helaan sharciga dalkaas.
Dad lagu qiyaasay 22 milyan qof oo si sharci ah ku joogo dalka Mareykanka ma heystaan sharciga dalkaas, waxaa ay u muuqata in dad badan uu saameyn doono sharcigan.
Ururada bulshada iyo rayidka waxay ku tilmaameen tallaabadan mid lagu beegsanayo muhaajiriinta saboolka ah.
Waxay sidoo kale sheegeen inay hor joogsan doonaan meel marintiisa.
Waxaa lagu wadaa in sharciga uu si rasmi ah uga dhaqan galo dalkaas 15-ka bisha Oktoobar ee sannadkan.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS