BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiye Cirro oo Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timi Duqii Muqdisho Eng Yariisaw
August 2, 2019 - Written by admin

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa umada soomaaliyeed ka tacsadiyeey geerida gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow oo ku geeriyooday wadanka Qatar.

cirocirro99

Gudoomiye Cirro ayaa fariin uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa kale oo uu tacsida si gaar ah u gaadhsiiyey eheladii marxuun Yariisow, waxaanay fariintiisu u dhgnayd sidan :-

Waxa aan dadka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Eng. Cabdiraxman Cumar Cisman [Yariisow] Duqii iyo Guddoomiyihii magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Illaahay waxa aan uga baryayaa in uu u naxariisto, qoyskiisii iyo dadka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Walaaltinimada isirka Soomaaliga ah ayaa ka sarreysa siyaasadda iyo waxa inaga dhaxeeya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS