BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda oo Lagu Eedeeyay Inuu Fara Xumeeyay Xeerka Ismaamulka Goboladda Iyo Degmooyinka
August 3, 2019 - Written by admin

Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burco oo uu horkacayo maayarka magaaladaasi ayaa wali si adag uga soo horjeeda xeerkii maamulka gobolada iyo degmooyinka dalka ee ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiiladu.

Maayarka iyo xildhibaanada ayaana wali isku raacsan inay jiraan qaladaad ka muuqda xeerkan ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiiladu iyaga oo ku doodaya dheeli ka muuqdo qaabka loom eel mariyey xeerkan.

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Bidhi oo ka mid ah xildhibaanada Burco ayaa xeerkan dhabarka u saaray gudoomiye Baashe iyo xildhibaan Balaaki, waxaanu yidhi “Xeerkaasi sida aan u arko waa xeer uu hormood ka ahaa gudoomiyaha golaha wakiilada Baashe, waanay fara xumeeyeen meelna way kaga dhaceen xuquuqdii degmooyin fara badan iyo gobolo badan iyo qarankaba, waana xeer loogu tala galay in loo ansixiyo qaabka ay rabaan gudoomiye Baashe, xildhibaan Balaki iyo cidii kula socotayba, in badan ayaana laga qayliyey.”

Xildhibaan Bidhi waxa uu faah faahin ka bixiyey kulankii ay la qaateen shirgudoonka golaha wakiilada “Xildhibaanada golaha deegaanka Burco iyada oo uu na hogaaminayo maayarkayagu waxaanu la kulanay shirgudoonka golaha wakiilada, degmada Burco ahaana wixii aanu ka cabanaynay, wixii aanu xaqa u lahay iyo wixii aanu diidanahayba iyada oo qoraal ah ayaanu u dhiibnay gudoomiye Baashe waanan u sheegnay, nasiib daro gudoomiye Baashe namuu ixtiraamin, qoraalkayagii muu tixgelin, wixii aanu ula tagnayna waxba kamuu qaban.”

Dhinaca kale waxa uu soo bandhigay cashuuraha ku xusan xeerka la ansixiyey “Baashe waxa uu qaybiyey laba cashuurood, midi waa 12% waana kabka loo qaybiyo degmooyinka midina waa 10% oo waana cashuurta ay wasaarada maaliyadu qaybiso iyada oo degmo kastaa wixii ay soo saarto dib loogu celiyo, 12% markii ay qaybiyeen iyada oo marka horaba ay qalad ahayd, cida xaqa u leh inay qaybiyo may ahayn baarlamaanka Baashe iyo Balaaki midna muu ahayn, wasiirka arimaha gudaha iyo wasaaradiisa ayaana xaq u lahaa, waxaanad arkaysaa inay sameeyeen meel ka dhac iyo qalad”

Sidoo kale Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Bidhi waxa uu dhaliilay qaabka uu tilmaamayo xeerkani ee dawlada dhexe ay dhaqaalaha kabka ah u siinayso dawladaha hoose ee dalka, isaga oo xusay inuu ku jiro dheeli badani.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS