BALIGUBADLE MEDIA
Colaado Sokeeye oo Markale Dib Uga Istaadhmay Deegaanka Ceel Afwayn Khasaaraha Ka Dashay Iyo Wararkii U Dambeeyay
August 12, 2019 - Written by admin

Dagaal ayaa mar kale ka qarxay deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Dagaalkan oo u dhaxeeya labada beelood ee sanadadii ugu dambeeyey colaadu ka dhextaagnayd ayaa ka dhashay dil loo gaystay nin lagu dilay kaalin shiidaal oo ku dhextaala magaalada Ceel Afweyn.

breaking news

dagaalka ayaa dhexmaray labadan beelood isla markaana khasaaraha ka dhashay ilaa hada la ogyahay laba qof oo dhimasho ah iyo afar qof oo dhaawac ah.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada somaliland ay ku hawlanaayeen sidii ay u kala dhexgali lahaayeen beelaha dagaalku ku dhexmarayo gobolka Sanaag, isaga oo xusay in badhasaabkii gobolkuna uu haatan u baxay dhinaca deegaanka uu dagaalku ka socdo.

Masuuliyiinta gobolka Sanaag oo uu ugu horeeyo Badhasaab Tiimbaro ayuu sheegay inay wadaan dedaalo xoog badan oo lagu kala dhexgalayo labadan beelood ee caadaystay dagaalka hadyo jeer dhexmara.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS