BALIGUBADLE MEDIA
“Anigu Muuse Biixi Uma Aqoonsani Madaxweyne Waayo Waa Nin Aargoosi…”Ex Wasiir Obsiiye
August 5, 2019 - Written by admin

Wasiirkii hore ee shaqada iyo arimaha bulshada dawladii hore Maxamed Cabdilaahi Obsiiye ayaa shaaciyey inaanu madaxweyne u aqoonsanayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ex wasiir Obsiiye oo la hadlay warbaahinta ayaa ka waramay dooda ay qabaan dadweynaha gobolka Awdal ee la xidhiidha saami qaybsiga, xaalada gobolka Sanaag iyo arimo kale.

Ex wasiir Obsiiye waxa uu sheegay inaanu madaxweyne u aqoonsanayn Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha somaliland, waxaanu yidhi “Anigu Muuse madaxweynenimo uma aqoonsani sidiisaba mana odhanayo madaxweyne laakiin nin aargoosi u yimid oo jabhad ah ayaan u arkaa, ninkan kale ee ka soo horjeeda ee Kornayl Caarre ee carabka lala dhacayo , ninkaasna jabhad ayaa laga dhigayaa ninkana madaxweyne waar laba kornayl oo habhado ah ayaa meesha isku haysta.”

Dhinaca kale ex wasiir Obsiiye waxa uu sheegay in loo baahan yahay in xaalad degan lagu soo afjaro jabhada uu hogaaminayo kornayl Caarre, isaga oo dadweynaha gobolka Awdalna ugu baaqay inaanay ka tanaasulin qadiyada saami qaybsiga ee ay aaminsan yihiin, isaga oo xusay inaanay diyaar u ahayn in gobolka Awdal uu kuraasta 13 ah ku sii lahaado golaha wakiilada somaliland.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS