BALIGUBADLE MEDIA
Xog Rasmiya oo Laga Helay Ciddii Fulisay Qaraxiii Is-Miidaaminta Ee Xarunta Gobalka Banaadir
July 25, 2019 - Written by admin

Xog hordhac ah ayaa laga helayaa ciddii ka danbeysay qarixii shalay Galab ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ahaa is-miidaamin, kasoo dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray mas’uuliyiin fara badan.

banaadir

Xogta laga helay saraakiisha amniga iyo madaxda maamulka G/banaadir ayaa sheegaysa in qofka qaraxa fuliyey ee is-miidaamiyey ay ahayd Haweeney la socotay Gabadh Indhoole ah oo Maamulka G/Banaadir u qaabilsaneyd arrimaha Naafada ee Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba, iyadoo isu muujisay inay kaalmeyneyso haweeneyda Indhoolaha ahayd oo uu dhowaan magacaabay Guddoomiye Yariisow si ay arrimaha naafada ugu qaabilsanaato.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Amniga Mohamed Tuulah oo aan isagu tegin shirkii Amniga ee shalay la qarxiyey ayaa laga soo xigtay in haweeneyda la tuhunsan yahay loo fududeeyay inay gasho xarunta maamulka G/banaadir, isla markaana baadhitaan uu socdo si loo ogaado wixii dhacay.

Xarunta Gobolka Banaadir ayaa ka mid ahayd goobaha sida weyn loo ilaaliyo oo baadhitaankeedu adag yahay, iyadoo aan jawaab loo helin sida qaraxan uga dhacay.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana afhayeenka howlgallada ururkaasi uu shaaciyey in weerarka ay la beegsadeen wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo xarunta Gobolka Banaadir shalay tegay, balse ka tegay saacad ak hor xilliga qaraxa uu dhacay.

Qaraxa laga fuliyey gudaha xarunta maamulka Gobolka Banaadir iyo hoolkii shirarka xaruntaasi xilli uu socday shir amniga ku saabsan ayaa loo arkaa dharbaaxo weyn oo ku dhacday dadaalkii amniga caasimadda ee dowladda Somalia ay muddooyinkii danbe sheegtay inuu soo hagaagay, waxaana qaraxan uu dhaliyay su’aalo badan oo ku saabsan sida loo sugo Amniga iyo qorsheyaasha Alshabaab oo aan lagu guuleysan in laga hortago.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS