BALIGUBADLE MEDIA
Trump – Kuma Raacsani Taagerayaashayda In Ilhaan La Celiyo
July 19, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in taageereyaashiisa uusan ku raacsanayn

dalabkooda ah in Ilhaan Cumar dib loogu celiyo Soomaaliya.

Dad tiro badan oo uu meel fagaaro kala hadlayay ayaa si wadar ah ugu dhowaaqayay erayada ah “dib u celi, dib u celi” kadib markii uu magaceeda ka xusay makarafoonka.

Waxa ay ka jawaabayeen hadal uu horey u jeediyay oo ahaa in Ilhaan iyo saddex hablood oo kale oo ay Congress-ka Maraykanka ku wada jiraan ay ku laabteen dalalkii ay asal ahaan ka yimaadeen.

Dadka Trump naqdiya ayaa sheegay in hadalada taageerayaasha Trump ay la midyihiin kuwii ay horey u yiraahdeen Hillary Clinton ee ay ku baaqayeen in xabsiga la dhigo kadib markii Trump uu ku eedeeyay in ay dambi ka gashay qaranka.

Jawaabta Ilhaan

Ilhaan oo wariyeyaasha la hadlaysay ayaa tiri “Qofkasta oo dalkan ku nool waa uu ogyahay in hadalada Trump aysan ahayn kuwa la rumeysan kari, wuxuu muujinayaa afkaarihiisa fajiistenimada ah, isaga oo muwaadhiniinta Ameerikaanka ah ku wargalinaya in ay dalka ka baxaan, waxaan xusuusinayaa in Ameerika mucaaradnimada ay tahay sheey waddanimo ah, kala aragti duwanaanshahana lasoo dhoweynayo”.

Dhanka Twitter-ka waxaa laga bilaabay olole hal ku dheg looga dhigay ‘Ilhaan ayaan la jirnaa’ ayaa aad u qabsaday, waxaana xitaa qeyb ka noqday siyaasiyiin badan.

Hoggaamiyaha Aqalka Sare ee xisbiga dimoqoraadiga Chunk Schumer ayaa Trump la bar dhigay hoggaamiyeyaasha kaligii taliska ah.
Promoted Content
Mgid
12 Signs He Thinks You’re A Match Made In Heaven
herbeauty
Famous Duos Who Had Long-Lasting Platonic Chemistry
herbeauty
6 Celebs Who’ve Changed Way Too Much
herbeauty
10 Celebrity Body Parts Insured For Ridiculous Amounts
herbeauty

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga sida Tom Emmer oo ah guddoomiyaha guddiga ugu sareeya ee xisbigaas ayaa sheegay in Trump uusan ku waafaqsanayn ereybixinta uu isticmaalay.

Mooshin ka dhan ah Trump

Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay qaraar lagu cambaareynayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hadalkii cunsuriyadda lagu tilmaamay ee uu ku yiri afar hablood oo ka tirsan Aqalkan.

Mooshinka ayaa lagu dhaleeceeyay “Haddalada cunsuriyadda ah ee lagu sharciyaynayo cabsi galinta iyo nacaybka dadka cusub ee Ameerikaanka ah iyo dadka midabka ah”

Madaxweyne Trump oo fariin soo dhigay dhegelkiisa Twitter-ka ayaa yiri “jirkayga kuma jirto laf cunsurinimo”.

240 xildhibaan ayaa ku codeysay codka ‘HAA’ halka 187 xildhibaaan ay ku codeysay ‘MAYA’, taas oo ka dhigan in 4 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Trump iyo waliba xildhibaanka kaliya ee madaxa banaan Justin Amash ay codkooda ku biiriyeen dimoqoraadiyiinta.

Waxaa xildhibaanadan ka mid ah ninka kaliya ee madoowga ah ee xisbiga Jamhuurigaka tirsan Will Hurd. Balse mooshinkaas kalsooni kala laabashada Trump ma aysan dhaqangalin.

Madaxweynaha oo maalintii axaddii soo daayay tiro fariimo ah oo dhanka Twitter-ka ah ayaa afarta hablood ee kala ah Alexandria Ocasio-Cortez , Ilhaan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib u sheegay in ay isaga laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, halkii ay dowladda Maraykanka u sheegi lahaayeen sida ay tahay in wax loo sameeyo.

Dhibka jira waxa uu yahay in 3 ka mid ah hablahaas, marka laga reebo Ilhaan oo Soomaaliya ka timid yaraanteedii, ay ku wada dhasheen Maraykanka. Xitaa Alexandria ayaa ku dhalatay degmo New York ku taala oo 12 mile oo kaliya u jirta halkii uu Trump laftiisa ku dhashay

BBC.

COMMENTS