BALIGUBADLE MEDIA
Taageerayaasha Trump Oo Ku Boorinaya In Uu Ilhaan Soomaaliya Ku Celiyo
July 18, 2019 - Written by admin

Ilhaan Cumar ayaa waxay barteeda Twitter-ka kusoo qortay ‘Waxaan joogaa halkii ay aheyd’,
waxay arrintani ka dambeysay markii taageerayaasha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay ku qeylinayeen halkudhigyo ah ‘in Ilhaan Cumar dib loogu celiyo dalkeeda’.

Tageerayaashan waxay ka qeybgaleen isu soo bax ka dhacay Mareykanka oo uu khudbad ka jeedinayay Trump.

Tageerayaasha Trump ayaa ku dhawaaqayay halkudig ah “Waxaad ku celisaa dalkeedii” xilli madaxweyanaha uu soo hadal qaaday Ilhaan Cumar.

Arrintan ayaa imaaneysaa xilli madaxweynaha Mareykanka uu toddobaadkii lasoo dhaafay uu weerar afka ah ku qaaday afar dumar oo ka tirsan aqalka Koongareeska oo ay Ilhaan kamid tahay kaddib markii ay ka hor yimaadeen siyaasadda socdaalka ee maamulkiisa.

Wuxuu Twitter-ka ah kusoo qoray in afarta hablood ee kala ah Alexandria Ocasio-Cortez , Ilhaan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib u sheegay in ay isaga laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, halkii ay dowladda Maraykanka u sheegi lahaayeen sida ay tahay in wax loo sameeyo.

BBC

COMMENTS