BALIGUBADLE MEDIA
Sudan: Ciidamadda oo La Laayay Qaar Kamida Dadwayne Banaanbax Samaynaayay
July 30, 2019 - Written by admin

Culeys ayaa soo food-saaray heshiiskii nabaadda ee dalka Sudan, kadib markii afar caruur arday ah iyo dadkale lagu dilay dibadbaxyo ka dhacay Magaalada El Obeid, ee gobolka Kordofan.

Isbaheysiga ugu weyn ee mucaaradka dalkaas, ayaa sheegay in laamaha ammaanka ee Sudan ay rasaas ooda uga qaadeen dadkan oo ay ka mid yihiin arday dhigata dugsi sare, kuwaas oo ka cabanayay shidaalka iyo cuntada oo aad gabaabsi u ah, waxayna ku baaqeen dibadbaxyo ballaaran oo dalka oo dhan.

Sidoo kale ururka aqoonyahanada dalkaas, oo hormuud ka ahaa isbadelkii ka dhacay Sudan ayaa waxay dalbadeen in si dhakhsi ah awoodda loogu wareejiyo dowlad rayid ah.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya ardayda oo ku hor bannaan baxaya isbitalka weyn ee Magaalada El Obeid, kadib markii dadka la laayay.

Wariyaha BBC-da ee Sudan ayaa ku soo waramay in dadkale ay iyaguna isugu soo baxeen caasimadda Khartoum.

Dadkan ayaa ku qeylinayay in “Qofkii wax dilay isna ha la dilo”, waxaana bandaw lagu soo rogay Magaalada iyo dhowr Magaalo oo kale.

Sidoo kale waxaa la xiray dhamaan goobaha waxbarashada ee gobolka Kordofan. Dhawaan ayaa lagu wadaa hogaamiyeyaasha dibadbaxayaasha iyo golaha milateriga ay yeeshan wadahadalo kale, si loo soo dhiso dowlad ku meel gaar ah oo awood qeybsi ah.

Dalka Sudan ayaa intii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Cumar Al- Bashir waxaa ka tagnaa qalalaaso iyo dibadbaxyo ka dhan ah milateriga xukunka la wareega

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS