BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland oo UN-ka u Gudbisay Dacwad ka Dhan ah Maamulka Hawadda ee Soomaaliya Sheegatay in lagu Wareejiyey
July 4, 2019 - Written by admin

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay gudbisay dacwad ka
dhan ah talaabadda ay Xukuumadda itaalka daran ee Soomaaliya ay ku sheegatay inay Hay’adda ICAO  kala wareegtay maamulkii hawadda ee Soomaaliya iyo Somalilan-ba.

news

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA  ayaa soo xigatay Wargeyska East African Business Week oo ka soo baxa Uganda, oo maanta daabacay in Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar uu xaqiijiyey in dawladda  Jamhuuriyadda Somaliland ay dacwad u gudbisay UN-ka, maadaama oo uu  hore u jiray heshiis la kala saxeexday oo ku wajahnaa maamulka hawadda oo hore Somaliland iyo Soomaaliya ugu kala saxeexdeen magaalada Istanbuul  ee dalka Turkiga, hase ahaatee ay heshiis jabisay  Xukuumadda Muqdisho.

Waxa kaloo danjire Baashe intaas ku daray in aanay Hay’adda maamulka hawadda u qaabilsan Qarammada Midoobay ee ICAO aanay fulinin heshiiskaas jiray ee jidaynayey in wadajir loo wada maamulo isla markaana ay gacanta ku hayso Hay’adda ICAO.

Cumar Maxamed Faarax

COMMENTS