BALIGUBADLE MEDIA
Shuruudo Kornayl Caare Dalbaday oo Madaxweyne Biixi Ganafka Ku Dhuftay
July 18, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu ku gacansaydhay shuruudo ay ku soo celisay guddi waanwaan ka dhex wadday Kornayl Caarre iyo xukuumadda.

caarre8

Dhammaanba arrimaha guddidu kala soo noqotay dhanka Caarre ayaa la sheegay in madaxweynuhu diiday, islamarkaana faray guddida in Caarre wakhti kooban isugu soo dhiibo Ciidanka Qaranka.

Sidoo kale warar laga helayo guddida dhexdhexadinaysa xukuumada iyo jabhada Caare ayaa sheegaya in dhammaan madaxweynuhu diiday saddexdan shuruudood oo guddida dhexdhexaadinta Wadday kala soo noqotay dhanka Caarre;

1 – Inuu Soo Saaro Qoraal saamaxaad ufidin ah oo heer madaxweyne ah islamarkaana uu u gudibiyo Hay’addaha ay khusayso sida Taliyaha Ciidamada Qaranka, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Garyaqaanka Guud ee QARANKA, Lana Wargeliyo Xeer Illaaliyaha Guud

2- Inuu gaadiidka iyo Hubka Jabhadda qoraal ku soo saaro inuu lacagtooda bixinayo.

3- Iyo Inuu Gudi Madax bannaan u wakiisho Caare oo wixii ay soo go’aamiyaan uu fulinayo, kulana dhaqmayo Caare.

Waxa kale oo jira warar ku saabsan in ay jiraan ciidamo xukuumaddu ku xoojisay Bariga Ceerigaabo ee Caarre ku sugan yahay taas oo abuurtay walaac ku saabsan dagaal halkaasi ka dhaca. tan iyo markii jabhadda Caarre baxday dagaal kasta oo dhexmara jabhadda iyo ciidanka Qaranka waxa dhacayay amni darro ka aloosanta Ceerigaabo iyo Burco oo lagu taageersan yahay Jabhadda mana cadda in hadda madaxweynuhu diyaar u yahay soo afjaridda arrintan walaaca ku abuurtay Somaliland.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu tanaasulka u yaqaano doqonimo, islamarkaana habdhaqankiisu yahay cidda weedh ku tidhaa in uu laba ama saddex kale kaga falceliyo.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS