BALIGUBADLE MEDIA
Manchester United Oo Inter Milan Ku Diiday £ 54 Milyan Oo Ay Lukaku Ku Doonayso
July 21, 2019 - Written by admin

Kooxda Manchester United ayaa diidday 60m euro (£53.9m) oo kooxda Inter Milan
ay ku doonaysay inay kula wareegto weeraryahanka kooxdaasi Romelu Lukaku.

Lacagtaas ay Inter Milan soo bandhigtay ayaa aad uga hoosayso midda ay Man United ku qiimaysay 26-jirkan u dhashay waddanka Belgium, kaas oo ay laba sanadood ka hor £75m ay kaga soo iibsadeen kooxda Everton.

Lukaku ayaanan dheelin ciyaarta ay Man United 1-0 uga badisay kooxda Inter Milan, taas oo uu maamulo tababare Antonio Conte oo ku celiyay in weerraryahanka uu yahay bartilmaameedka koobaad ee kooxdiisa.

“Waxaan u arkaa inuu yahay ciyaartoy wax ka badeli kara kooxdayada,” tababaraha Inter ayaa sidaasi sheegay.

“Taasi waa sida aan jeclahay oo aan rajaynayo, dhanka kalana waxaan eegi doonaa waxa kooxda ay inoo hayso.

“Sax ma ahan in aan xilligan ka hadlo ciyaartoygaas sababtoo ah waxa uu u dheelaa Manchester United waana sababta ay tahay in xushmad wayn u muujiyaa kooxda, ciyaartoyga iyo ciyaartoygaygaba.”

Jimcihii, Conte ayaa qiray in intii uu tababaraha u ahaa kooxda Chelsea uu isku dayay inuu la soo wareego ciyaaryahan Lukaku, “ciyaaryahankan waan ka helaa,” ayuu ku daray.

Dalabka kooxda Inter Milan ee Lukaku ayaa waxa uu mugdi galinayaa mustaqbalka ciyaaryahan Mauro Icardi, kaas oo aanan kooxdaasi u raaci ciyaaraha ay ugu diyaargaroobayso xilli ciyaareedka soo socda ee ay Aasiya ku marayso, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya inuu kooxdaasi ka tegaayo.

Markii wax laga waydiiyay weerraryahanka reer Argentina, Conte ayaa ku jawaabay: “Kooxdu waxa ay caddaysay in Icardi uusan ku jirin qorshada Inter. Taas ayaa xaqiiqda jirta ah.”

Lukaku ayaanan dheelin labadii kulan ee ay Man United ku dheeshay waddanka Australia dhaawac soo gaaray awadii kahor inta aanan kursiga kaydka la fariisin ciyaartii Sabtidii ee Singapore.

BBC

COMMENTS