BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay Iyo Danjiraha Ingiriiska Ee Soomaaliya
July 21, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadajir u qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ben Fender.

qaabilaad
Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen in ay siweyn ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya,isla markaana ay taageero siin doonaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS