BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynaha Ruushku oo Martiqaad Rasmiya U Fidiyay Madaxwaynaha Somaliya
July 12, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa martiqaad rasmi ah u soo diray madaxweynaha dawlada soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Safiirka cusub ee dawlada Ruushku u soo magacawday soomaaliya Mikhail Golovanov oo maanta la kulmay madaxweyne Farmaajo ayaa gaadhsiiyey fariin iyo martiqaad uu ka siday dhigiisa dalka Ruushka Vladamir Putin.

putin and farmaajo
Madaxweynaha Ruushka ayaa dhigiisa soomaaliya Maxamed Farmaajo ku soo casuumay inuu ka qayb galo shirka u dhaxeeya Ruushka iyo wadamada Afrika, kaas oo dabayaaqada sanadkan ka dhici doona magaalada Sochi ee dalweynaha Ruushka.

Safiirka dalka Ruushka ee soomaaliya Mikhail Golovanov ayaa sidoo kale kulanka uu la qaatay madaxweyne Farmaajo waxa uu ku sheegay in dawladiisu ay balanqaadayso dib u soo celinta xidhiidhkii adkaa ee ay la lahayd soomaaliya.

Sidoo kale safiirka Ruushka ayaa sheegay in dawladiisu ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso tababarada la siinayo shaqaalaha dawlada iyo laamaha amaanka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS