Madaxwaynaha Puntland Oo Xil U Magacabay Siyaasi Ka Goostay Somaliland
July 18, 2019 - Written by admin
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni
ayaa gudoomiyaha gobolka Sanaag u magacaabay Cali Xuseen Soomaali. Cali ayaa hore u ahaa guddoomiyaha gobolka Badhan ee Somaliland laakiin, wuxuu qayb ka ahaa siyaasiyiin iyo ciidamo Somaliland dhawaan ka goostay oo u galay maamulka Puntland.
Wareegto uu soo saaray Siciid Deni ayaa u dhignayd sidan:-
. 1. Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.
2. Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag.
3. Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag.
4. Waxaa Siciid Xuseen Maxamuud Loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS