BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Nigeria oo Ka Hadlay Guulo Lama Filaana oo Xulkiisu Kasoo Hooyay Koobka Qaramadda Afrika
July 12, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha Nigeria Oo Ka Hadlay Xulka Dalkiisa Uga Qayb Galaya Koobka Qaramada Afrika Ee Ka Socda Masar

Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari ayaa ammaanay guusha ay gaareen xulka qaranka Nigeria isla markaasna ku tilmaamay kuwo aanan laga adkaan karin.

Image may contain: 1 person, playing a sport

Waxaa uu sheegay in dhammaan shacabka dalkiisa ay ka dhuur sugayaan natiijada ay xulka qaranka kasoo hoyiyaan Koobka Qaramada Afrika ee hadda ka socda dalka Masar.

Xulka Nigeria ayaa Koonfur Afrika kaga badiyay 2-1, waxay Nigeria ugu gudubtay ciyaarta nus dhammaadka ee Koobka Qaramada Afrika.

Goolasha waxaa xulka Nigeria uu kala dhaliyay William Troost-Ekong iyo Samuel Chukwueze.

Nigeria waxay Axadda la dheeli doontaa kooxaha usoo gudba ciyaaraha nus dhammaadka gaar ahaan xulalka Ivory Coast iyo Algeria oo ay ku xiran tahay midka soo baxa.

Senegal waxay 1-0 kaga badisay xulka Benin, sidaas ayay ugu gudubtay nus dhammaadka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS