BALIGUBADLE MEDIA
Kuuriyada Waqooyi Oo Tiijaabisay Gantaallo Cusub oo Aan Hore Looga Baran
July 31, 2019 - Written by admin

Kuuriyada Waqooyi waxay saaka tijaabisay labo kamid ah gantaallada nooca baaliistiga ah,

sida laga soo xigtay militariga Kuuriyada Koonfureed.

Kuuriyada Waqooyi waxay gantaalladan kasoo gantay deegaanka Wonsan, waxaa uu ku dhacay dhinaca bari ee badda.

Lis Dairy

Militariga Kuuriyada Koonfureed waxay sheegeen in gantaallada Kuuriyada Waqooyi ay jareen masaafo dhan 250 Kiiloomitar ka hor inta aysan ku dhicin badda Japan.

Wasiirka gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed Jeong Kyeong-doo waxaa uu sheegay in gantaalladan ay ka duwan yihiin kuwii ay horey u tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.

Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa xaqiijiyay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi aysan wax saameyn ah ku yeelan amniga dalkiisa.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli Kuuriyada Waqooyi ay toddobaadkii lasoo dhaafay tijaabisay madaafic.

Hoggaaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un ayaa ku tilmaamay tijabadaas inay farriin u aheyd waxa uu ugu yeeray ‘Dagaal oogayaasha dagaal ee Kuuriyada Koonfureed

BBC.

COMMENTS