BALIGUBADLE MEDIA
Ugaas Axmed Maxamed Siciid Oo Ka Hadlay Shirka Beelaha Burco,Dhawaaqa Siyaasiyiinta Madasha Iyo Dheeliga Saami Qaybsiga Xukuumada
June 16, 2019 - Written by admin

Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahd) oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland ayaa ka hadlay shirka uu boqor buurmadow ugu baaqay beelaha bariga iyo galbeedka Burco.

ugaaska

Ugaas Cali Mahdi oo ku sugan wadanka boqortooyada Sucuudiga ayaa war uu soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnews waxa kale oo uu kaga waramay dheeliga ku jira xukuumada madaxweyne Muuse, dhawaaqyada siyaasiyiinta madasha wada tashiga iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) ayaa warka uu soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnews waxa uu ku yidhi:-

Marka hore, dhamaan Ummadda Reer Soomaaliland goob kasta iyo goor kasta oo ay joogaan waan salaamayaa,

Marka labaad, waxaan maanta jeclaystay inaan wax yar ka iftiimiyo arrimahan maalmahan lagaga jeestay hawl maalmeedkii iyo waajibaadkii kale ee inaga saaraa Dalka iyo wax tarkiisa iyo tallo wixii igaga gudboonaa qof ahaan.

1-Shirka Burco ee labada Beelood ee wallaalaha ah.

Waxaad moodaa in Xukuumaddeenii ay sas ka qaaday una muuqadto hor iyo dabadiid iyo “Dharaar hay wadin waan dhalaalaa habeen hay wadin waan helaacaa”oo mawqif loogu soo hagaagaa aanu ii muuqan markaan shirk ka hadlayo.

Xukuumaddu waxay marar badan ku celcelisaa Madaxdhaameedku nabadaynta Reeraha haka shaqeeyaan, taas oo aan qabo inay tahay wax xukuumadda iyo Beelahaba u dana “Wixii Ilmaha u dana ayaa hooyadana u dana”. Inay Dadka wada dhashay is lab xaadhaan oo wixii xurquf iyo madmadaw ahaba laga saaro dhexdooda.

Iyadoo taa laga duulayo waxaan socdaalkaygii Burco ku dhawaaqay in Burco la mataaneeyo kadibna Dalka oo dhan lawada mataaneeyo.

Sidoo kale, waxa ku dhawaaqay Boqor/ Cusmaan-Buurmadawin labada Beelood ee bariga iyo galbeedka Burco shir is lab xaadhasho ah iskugu yimaadaan. Waxa isla markiiba qaylo dhaan ka sameeyay madax iyo siyaasiin oo si layliyaysan uga fal celiyay iyada oo ay ahayd inay ku garab galaan soona dhaweeyaan, waayo waa waajibaad ay Xukuumaddu lahayd oo loo fududeeyay, wixii wanaag iyo is af garasho ka soo baxana ay dheefteeda wax ku leedahay.

Arrintii waxay noqotay u qaadan waa iyo”Haddaanu aamusnana waa noo aamus baas haddanu haddalana waa af salax ku dhagayagii” iyo “Haddii aamus doqoniimo dhalay hadala aafoobay, yaa wax lagu eed baxoo aada garanaaya”

Waxaan Xukuumaddeena sharafta mudan waydiin lahaa Nabadaynta, Is lab xaadhashada, Is af garadka,wallaalaynta Beelaha meel wada daga miyayna ka mid ahayn hal kudhagii ahaa “Horaa loo soconayaa”?

Waxaynu wada ognahay inay Xukuumaddu si cad iyo si leexsanba Beesha iyo cidday rabto ula shirto, maxaa hadaba shirkan labadan Beelood ka uray?
2-Golaha wada Tashiga.

Waxaan maalmahan iyana ku arkayay Tvyada Odayaashii Golaha wada tashiga oo ah Rag abaal iyo juhdi badan oo maal iyo muruqaba leh Dalkan geliyay loona baahan yahay tallo iyo tusaaladba in laga dhegaysto.

Hasa yeeshee,waxaan ku boorin lahaa bal inay iyagu soo wada tashadaan oo iyagoo isku aragti iyo mawqif ah ay qabtaan shararka jaraa’d.

3-Dheeliga Xukuumadda.

Marar iyo meelo badan ayaa lagaga hadlay arrinkan iyo inay xukuumaddu dhan ka rarantay una dhawdahay inay dheelido ama cayn wareegto, waana marag ma doon inay sidii aan hore u sheegay ama Dad badani arkayeen ay marayso maanta oo meelo badan oodda la jabiyay, kuna xusuusinayso erayadii Hadraawi” Horow soco Faarax horweynka jiciirtay hadhaaga u jooji’. Waxana loo baahan yahay ciddii “WOOH” odhan lahayd ehelkan iyo umaddan kala guurtay oon xoog iyo xabad la adeegsan,waayo xabadi waxay sii xumayso mooyee xal ma noqoto.

Waxa lagamama maarmaan ah inaan dheeligaa ka Jirga dheefta Dalka cadaawad loogu qaadin Hebelo ama Qabaa’il la siiyay sad bursiimo, waayo iyagu dambe kuma laha wax la siiyay oo lama odhan karo maxaad u diidi weydeen waxa laydin siiyay.

Hebelada ama qabaa’ilkaas iyaga qudhidoodu yay ka bukoon marka laga hadlayo caddaalad iyo wax wada lahaanshaha, waana sida sharafta iyo wallaalnimadu ku jirto in caddaalad, sinaan, ixtiraam iyo wax wada lahaanshaha Dalka dhib iyo dheef loo sinaado.

Qodobadaa sare cidda Illaahay iyo Aadamiguba kala xisaabtamaysaa waa Xukuumadda oo intaasba ka masuulka ah Eebbe ka sokow.

4-Ugu dambayn.

Waxaan maqaalkan ku soo gunaanadayaa, si aan wixii Dalkan loo soo maray dhib, dhac, dhimasho,dhaawac,dhaqan bur bur ayna u noqon “Hal bacaad lagu lisay” in hareeraha halaga wada joogo Xukuumad iyo Shiciba jiritaanka iyo nabad geliyada.

Cidda u xil saaran hogaanka Dalkuna ha ilaaliyo caddaaladda, sinaanta, wax wada lahaanshaha oo runtii hada meesha ka baxay, haddii intaa wax laga qaban waayayn maskaxda ha ku hayo”Karis xun Iyana ku la’’ iyo jaararkeena wax ka socda oo u baahan in lagu cibro qaato.

Wa Bilaahi tawfiiq.

Ugaas/ Axmed

COMMENTS