BALIGUBADLE MEDIA
Shirkad uu Wakiil Ka Yahay Wiil uu Dhalay Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Xidhxidhay 35 Qof Deegaanka Faqayuub.
June 25, 2019 - Written by admin

35 Qof Ayaa laga soo xidh xidhay Deegaanka Faqayuub oo Ka tirsan gobolka togdheer Halkaasi oo ay Macdan Gurasho Kaw ado Shirkad Shiinaha Laga leeyahay oo uu Wakiil ka yahay Wiil yar oo lagu Magcaabo maxamed muuse Biixi Kaasi oo Awood Ka Haysta Madaxweynaha Somaliland.

akhas

Burco(Saylactoday) 35 Qof Ayaa laga soo xidh xidhay Deegaanka Faqayuub oo Ka tirsan gobolka togdheer Halkaasi oo ay Macdan Gurasho Kaw ado Shirkad Shiinaha Laga leeyahay oo uu Wakiil ka yahay Wiil yar oo lagu Magcaabo maxamed muuse Biixi Kaasi oo Awood Ka Haysta Madaxweynaha Somaliland.

Deegaankan Ayaa Dhowaan Waxaa ka dhacday Kacdoono Looga soo horjeedo Dhagaxa Iyo Macdanta deegaanka oo La Guranayo Waxaana taasi Sababtay in Dhagax lagu Dilo Askari ka tirsan Ciidamada Amaanka Somaliland oo halkaasi u tagay Siduu amaanka u sugi Lahaa isla Markaana Shirkada Shiinaha ahi macdanta u Daldalan lahayd.

Shacabka oo mudooyinkii Danbe Dhulkooda Laga guranayay Dhagaxa Loo Yaqaano GED-ka Ayaa Ka dhiidhiyay Inaan haba yaraatee Lacag Laga siin Dhulkooda loogu yimi ee La Iska Guranaayo waxaana Ay taasi Sababtay in Ciidamada Somaliland ay Dhamaanba Xabsiga Burco usoo daabulaan Dadkii arintaasi kazoo horjeestay Kuwaasi oo u badan Dumar iyo caruur halka ragii Waaweynaa Ay buuraha galeen oo la Tahli Waayay In Laga Daba galo.

Dumarka iyo caruurta ayaa Loo Soo Xidhay si Ay Isku Soo Dhiibaan ragii Dhalay iyo Kuwii Dumarka Qabay

Xigasho: Saylactoday

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS