BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaare Khayre Oo Gudoomiyey Shir Lagaga Hadlayey Amniga Soomaaliya Oo Ka Dhacay Cadaado
June 28, 2019 - Written by admin

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shir amniga looga hadlayo oo lagu qabtay magaalada Cadaado.
khayre xaaf

Shirka ayaa looga hadlay Qorshaha guud ee amniga dalka, dardar-gelinta qorsha xoreynta deegaannada ay argagaxisadu kaga sugantahay deegaannada Galmdug oo qayb ka ah qorshaha guud ee xoraynta dalka iyo diyaarinta ciidamo Booliis ah oo la wareega amniga deegaannada ciidanka xoogga dalku ay xoreeyaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ka dhagaystay saraakiisha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed, ayaa faray saraakiisha amniga ee dowladda federaalka in si dhaw ay ula shaqeeyaan laamaha amniga dowlad gobaleedka Galmudug si guul looga gaaro qorshaha amniga.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada amniga gudaha, iyo arrimaha gudaha, wasiirru dowlayaasha arrimaha guddiga iyo howlaha guud, xildhibaanno, madaxwaynaha dowlad gobaleedka Galmudug iyo saraakiil amni oo ka socota dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedka Galmudug.

—DHAMMAAD—-

COMMENTS