BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Afgambigii Fashilmay Ee Ka Dhacay Dalka Itoobiya
June 28, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi ayaa ka hadlay isku deygii afgembi ee ka dhacay wadanka Itoobiya.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayey xuska 26-ka June ayaa sheegay inay barbar taagan yihiin dawlada Itoobiya.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlaya xaaladaha Itoobiya ayaa waxa uu yidhi “Aniga oo ku hadlaya afka qaranka somaliland waxaan tacsi u diraynaa dawlada Itoobiya, raysal wasaaraha, Madaxweynaha iyo shacbi weynaha anaga oo ka tacsiyadaynayna madaxdii sare ee qaranka ee la laayey, aad ayaan uga xunahay dhibaatadaas gaadhay dalka aynu jaarka iyo saaxiibka nahay ee Itoobiya.”

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa intaas raaciyey “Waanan ku garab taaganahay inay gacan bir ah iskaga qabtaan wixii cadow ah ee ku soo duula ee qaranimadooda waxyeelaya waanay na dhibaysaa, dal walba oo aanu saaxiib iyo jaar nahayba sidaas ayaanu u garab taaganahay waayo somaliland waxay u taagan tahay nabad meel walba”

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa nabad galyo u rajeeyey wadanka Itoobiya “Waan ka tacsiyadaynaynaa waanan ka xunahay ilaahayna waxaan uga rajaynaynaa in xaalkoodu nabad iyo horumar kku dambeeyo.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS