BALIGUBADLE MEDIA
Kenya oo Wada Qorshe ay Dalkeeda Kaga Mamnuucayaso Siyaasiyiin Reer Somaliya ah
June 5, 2019 - Written by admin

Xidhiidhka u dhaxeeya wadamada soomaaliya iyo Kenya ayaa maraya halkii ugu xumayd

 Dowlada Kenya ayaa hada wada qorshe ay dalkeeda uga mamnuuceyso 66-qof ay ku jiraan Siyaasiyiin caan ah, Xubno katirsan dowlada Federaalka, saraakiil ciidan , ganacsato iyo dad kale oo ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo.
news

Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in uu helay xogta 66-qof oo Soomaali ah ay Kenya dalkeeda ka mamnuuceyso, waxaana dadkaasi ku jirawasiir ka tirsan xukuumada Soomaaliya, ra’iisul wasaare hore, xubin ka tirsan baarlamaanka, ku xigeenka madaxa sirdoonka ee Soomaaliya iyo milkiileyaasha shirkad isgaarsiineed.

Sida uu qorayWargeyska The Standard dadka Kenya dalkeeda ka mamnuuceyso ayaa waxaa ku jira dad kasoo jeeda Qabiilka Madaxweyne Farmaajo, kuwaa oo heesta dhalashada dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa sii wada cadaadiska ay ku heyso dowlada Soomaaliya , waxa ayna Kenya dooneysaa in dowlada federaalka ka laabato kiiska dacwada badda ee Maxkamada caalamiga taala laguna xaliyo muranka qaab diblumaasiyadeed.

Kenya ayaa dalkeeda bishii hore kasoo celisay wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamanaka federaalka Soomaaliya, waxa ayna Kenya joojisay fiisihii ay garoonka Nairobi ka qaadan jireen Masuuliyiinta dowlada.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS