BALIGUBADLE MEDIA
Kenya Oo Loogu Baaqay In Ay Furto Xafiiskeeda Hargaysa
June 29, 2019 - Written by admin

Muwaadiniinta reer Kenya oo ku nool, kana shaqeysta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Xukuumaddooda ku booriyey inay qunsuliyad ka furato Hargeysa, si ay fursad ugu helaan inay cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda isla markaana ay u helaan xafiis ay hawlahooda la socodsiiyaan.

somaliland-kenya
Siduu ku Warramay Wargeyska East African Business Week, oo ka soo baxa dalka Uganda oo ay maanta soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), Waxa Somaliland ka shaqeysta muwaadiniin u dhashay Kenya oo tiradooda lagu qiyaasay 10 kun oo qof waxaanay dawladdooda ugu baaqeen inay furto xafiiskii qunsuliyadda ee ay sheegtay inay ku yeelan doonto Hargeysa.

Christine Syombua oo ah muwaadin reer Kenya ah oo degan Somaliland ayaa caaddeeyey inay baahi weyn u qabaan qunsuliyad ay Kenya ka furato Hargeysa, si ay uga maarmaan socdaalka dheer ee ay u galaan inay helaan ama cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda Kenya.

Waxa kaloo uu intaasi ku daray in qunsuliyadaasi ay noqon lahayd halka ay la xidhiidhaan mar kasta oo dhibaato soo gaadho.

Baaqa muwaadiniinta reer Kenya ayaa ku soo beegmay xili uu xoogaysanayo xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, iyadoo shalayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ay ka hadashay kulan uu Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaraddaasi Mr. Macharia Kamau la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon) oo ay sheegeen in labada Masuul ay shirkaas kaga wada hadleen danaha guud ee labada dal wadaagaan iyo sidii loo sii taabogelin lahaa cilaaqaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Kenya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS