BALIGUBADLE MEDIA
Kenya Maxay Kaga Jawaabtay Wararka Sheegaya In Soomaaliya Kaga Gacan Sarayso Dacwada Bada Ee U Dhaxaysa?
June 28, 2019 - Written by admin

Kenya Maxay Kaga Jawaabtay Wararka Sheegaya In Soomaaliya Kaga Gacan Sarayso Dacwada Bada Ee U Dhaxaysa?

Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Kenya Monica Juma oo wareysi gaar siisay BBC-da ayaa sheegtay in kiiska badda ee Soomaaliya uu yahay mid aan adkayn.

duli
”Waxaa jirta sheeko la isugu sheekeeyo oo ah in Soomaaliya ay kiis adag leedahay oo ay iyada ku gacan sareyso kiiska maxkamadda, laakiinse inaga taasi ma aaminsanin, sababtoo waxaan haysanaa kiis dhan walba ka adag, balse ma rabo in aan ka hor dhaco,” ayay tiri Wasiirka Arrimaha dibedda ee Kenya.

Kenya waxa ay aad uga welwelsantahay kiiska badda ee maxkamadda horyaala, waxayna door bidi lahayd in wada hadal labada dal ay ku dhamaystaan arrimaha dhex yaala, waxayna wasiiradda sheegtay in Soomaaliya ay maxkamadda ku orodday ka hor intaanba wax la’is weeydiinin.

”Somaaliya iyadoon cid kaleba la hadal ayay markiiba maxkamad tagtay oo ah halkii ugu dambeysay mana aaminsani in taasi ay keeneyso xal waara”, ayay tiri Monica Juma.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS