BALIGUBADLE MEDIA
Abwaan Sangub oo Ku Geeriyooday Adis-ababa
June 18, 2019 - Written by admin

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Addis Ababa ku geeriyooday Abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub), sida ay BBC-da u sheegeen dad la socday xaaladda abwaanka oo ku sugan Addis.

sangub

Abwaanka ayaa mudooyinkii u dambeeyay xanuunsanaa.

Toddobaadkii hore ayuu soo cumraystay, maalmihii u dambeeyay ayuuse ku sugnaa Adhis Ababa isaga oo halkaas lagu qalay.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in loo qaadayo magaalada Jigjiga si halkaas loogu aaso.

BBC

COMMENTS