BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumada Somaliland Oo Qorshaynaysa In Haamaha Shiidaalka Lagu Wareejiyo Shirkad Ajanabi Ah
May 25, 2019 - Written by admin

Xukuumada somaliland ayaa qorshaynaysa inay shirkad gaar ah ku wareejiso maamulka haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera.

Shirkadan oo aan laga lahayn somaliland balse ay ku lamaaan yihiin muwaadiniin xukuumadu wadato ayaa qorshaynaysa inay si rasmi ah ula wareegto maamulka haamaha shiidaalka oo mudo ka yar sanad gacanta ugu jiray xukuumada somalilnd.

Haamaha_Shidaalka_Berbera_660

Xoghayaha arimaha gudaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa shaaca ka qaaday qorshaha ay xukuumadu ku doonayso inay ku wareejiso maamulka haamaha shiidaalka waxaanu yidhi “Xukuumadu waxay maanta keentay shirkad aniga aad ii warwar gelinaysa umaduna ila arki doonta oo la yidhaa Telephagora taas oo ay rabaan in lagu wareejiyo haamihii shiidaalka, waana shirkadaha aasa Nuclear-ka, waxaanay ka mid tahay shirkadaha iibiya shiidaalada khariban ee xumaada ama shiidaalada kootarabaanka ah, waana shirkad ku caan baxday shiidaalkii faraha badnaa ee tuugada lagu qaadanayey dagaalkii Ciraaq, waana shirkadii ugu badnayd ee xaday isla markaana ilaa hada ay dacwadi ku socoto.”ayuu yidhi xoghaye Ramaax oo la hadlay eryal tv.

Sidoo kale xoghaya Ramaax oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waa shirkad fadqalalo iyo fidmo la imanaysa dalka, hase yeeshee waxaa isku kaaya qaban la iyada oo aan hal sano laga soo wareegin oo aan shirkadihii lagala wareegay haamaha ay umadu aad u soo dhawaysay oo xukuumadana gacanteeda inay wax badani ku soo noqdaan ay eegayeen balse in sanad gudihii hadana shirkad ajaanib ah oo ay hoostana kaga jiraan muwaadiniin dano gaar ah loo danaynayo in la yidhaa waxa lagu wareejinayaa haamaha shiidaalka lama aqbali karo.”

Xoghaye Ramaax ayaa sidoo kale sheegay in shirkada ay xukuumadu wadataa aanay wax shaqo ah ka qaban Karin somaliland waxaanu yidhi “Shirkaduna waa mid aan marnaba aan aaminsanahay inaanay shaqo ka qaban Karin dalkan somaliland.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS