BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Kulan La Qaatay Siyaasiin Ka Tirsan Somaliya + Xukuumadda Somaliland oo Gashay Khiyaamo Qaran
May 23, 2019 - Written by admin

Wasiirka arrimaha gudaha somaliland iyo wafti uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin gudoomiyaha xisbiga ucid iyo gudoomiye ku xigeenka xisbigaas ayaa kulan la qaatay siyaasiyiin uu kamid yahay gudoomiyaha ururka wadajir cabdishakuur cabdiraxmaan warsame

somaliwayn

kulankan ayaan la shaacin arrimaha lagaga hadlay balse kulankan oo hadal hayntiisu haysatay baraha bulshadda ayaa lagu sheegay mid lagaga shaqaynaayay midnimadda umadda somaliyeed kaas oo aan ilaa hadda ka hadal xukuumadda somaliland ee u muuqata inay dalkii la midaynayso somaliwayn

waa markii ugu horaysay ee masuuliyiin kasoo jeeda dawladda somaliland kulamo noocan ah la qaataan siyaasiyiinta somaliya waxaanay arintani muujinaysaa sida ay u dabcay mawqifkii xukuumadda somaliland ka taagnayd midnimadda umadda somaliyeed iyo gooni isutaaga somaliland iyadoo ay muuqato in xukuumadda hadda joogtaa meesha ka saarayso gooni isutaagii somaliland una guclaynayso midnimo dhex marta somaliya iyo somaliland

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS