BALIGUBADLE MEDIA
Wasiir Faratoon oo Ka Hadlay Warar Sheegayay In Uhuru Kenyatta Safar Ku Imanayo Hargeysa
May 25, 2019 - Written by admin

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa sheegay inaanu jirin socdaal uu Madaxweynaha Kenya Uhuyrru Kenyatta ku imanayo Somaliland oo ay xukuumadda Somaliland ogtahay.

faratoon7
Toddobaadkan waxa baraha bulshada aad loogu baahiyay qoraal uu bartiis twitterka ku baahiyay Rashiid Cabdi oo ah khabiir degen Kenya oo falanqeeya siyaasadda gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika oo sheegay in Madaxweyne Biixi uu booqan doono Kenya, halka uu Madaxweynaha Kenya isna iman doono Somaliland inta aanu sannadkani dhammaanin.

Wasiir arrimaha dibadda Somaliland oo uu Geeska Afrika arrintan weydiiyay ayaa ku jawaabay

“Horta inaga iyo Kenya, xidhiidh fiicna baa hadda inoo dhexeeya, waliba xidhiidhka inoo dhexeeya muddooyinkii ugu dambeeyey wuxuu ahaa mid sii kordhaya, oo xidhiidhkii hore ee inoo dhexeeyey ka sii fiicnanaya, waxaana ku rajo weyn nahay in xidhiidh dhinacyo badan leh aynu yeelano, oo aynu iska kaashano waxyaabo badan, Madaxweynaha Kenyana dalkeena wuu iman kara oo socdaal uu ku iman kara, sida uu Madaxweynaheenu uu socdaal ugu tagi karo Kenya iyo Wadamada kaleba, waana ku rajo weynahay in maruun dalkeena uu yimaado Madaxweynaha Kenya iyo Madaxda kale ee Caalamkuba, laakiin socdaal rasmiya oo  Madaxweynaha Kenya uu Somaliland ku imanayo  oo aanu ognahay  ma jiro.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS