BALIGUBADLE MEDIA
Ugaaska Guud ee Beelaha Somaliland Ahmed Maxamed Sicid oo Baaq Hoga Tusaalayn U Badan Soo Saaray
May 17, 2019 - Written by admin

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Waxaan dhamaan Umadda Islaamka ah leeyahay Ramadaan kariim guud ahaan, gaar ahaana Umadda Soomaaliyeed, gudo ahaana Reer Soomaali Land.
Eebbe(swt) Ramdaantan teeda kale haynagu gaadhsiiyo caafimaad iyo Soomaaliland fiican oo hanka iyo himilooyinkeeda ay higsanayso  gaadha iyo midnimo dhamays tiran.

ugaaska beelaha arab

Waxa kale oon hambalyo u dirayaa dhamaan Reer Soomaaliland  meel kastoo ay joogaan maalibta lama taabtaanka ah ee 18ka May oo qiimo weyn inagu joogtaa.

Intaa markaan hoos uga gunda dago, waxaan si aad u kooban u iftiimin doonaa  qayb ka mid ah hawlaha ay kala leeyihiin madaxda hoos ku xusan:-

HOGAANIYE
MAAMULE
igaar ahaan
MADAXWEYNE.

* Hogaamiye (Leader)
Meel banaan ama waxba ayuu wax ka abuuraa.

* Maamule(Manager)
Wixii abuuraa/ la sameeyay ayuu  maamulaa oo turxaanta ka dhawraa kuna ilaaliyaa ciddii ku haboonayd.(maaha ciddii u xigtay)

* Madaxweyne (President)
Madaxweyne maaha in madaxiisu ka weyn yahay dhisme ahaan Dadka kale ee waxa weeye inuu ku sifoobo, Xilkasnimo,Qaad,Qorshe,Qanaacad,wax Qabad,Qoomiyadnimo,Qawl
Run ah, Qadarin,Qarannimo,la qancin karo waxna qancin kara.

Waa Qof leh:
Dul qaad, Dareen, Deexasho, Damqasho ama Difaac Dadkiisa iyo Dalkiisa,Daacadnimo, Hayin, gurgur qaad laguna aamini karo Agab iyo Ubadba, u Debacsanaan Danyartiisa,  Oday xal u raadintu kala horayso xadhig iyo xabadda.

Madaxweyne ma noqon karo Qof:

1-  Fudayd badan:
Oo aan ka fiirsan talaabo iyo go’aan kasta oo uu qaadayo, arrin kastana ka eegin dhinacyo badan.

2- Cugdadaysan:
Xusuusan cid xifaaltan af,arrin iyo addinba dhex maray.

3- Ka Aar goosta:
Hebelo, Koox,Jilibo ama Qabaa’il dhib iyo dheef dhex martay.

4- Adduunyo raadis/ urursi:
Dhul ama lacag oo aan  kala eegin  xalaasha iyo xaaraanta.

5- Kalsooni daro/Qab weyn
Oo dadka ama iskala weyn amba dareensan in la dala’sanayo.

Ugu sambays waxa jiray

1-
Nin boqor ahaa oo Rag ku yidhi Inantayda waxaan siinayaa Ninka salaada hore nasaajidka in badan ku cibaadaysta, Nimankii ayaa tegay masaajidkii yimid waxay arkeen Nin ka bixi la’ salaada ilayn Ninkuba waa tuug masaajidka ka soo gelay Rag iryanaya.
Tuugii markuu damco inuu salaadda ka baxo wuxuu arkaa Nimankan sugaya markaasuu ku noqdaa.
Ugu dambays ayuu goostay inuu is dhiibo kol haddii aan laga tagayn, Nimankii ayaa kaxeeyay isagoo u qaba in la xidhayo dabadeed waxa loo geeyay Boqorkii.
Boqorkii ayaa Raggii waydiiyay oo yidhi “ma ninkanaa ugu cibaado batay dadkii “ waxay ku yidhaahdeen  “haa”.
Boqorkiina sidaasuu gabadhiisii ku  siiyay Ninkii Tuugga ahaa.
Tuugaasu wuuxu noqday Tuugii ugu nasiibka waynaa.

Bal adba ka sitee.

2-
Habar da’ ah ayaa heshay Wiil yar oo la tuuray loona bixiyay tuur.
Islaantii ayaa Tuur korsatay kana dhigatay Inankeedii,
Tuur markuu weynaaday ayuu Boqor noqday. Islaantii waxay maqashay inuu Tuur noqday Boqor,markaasay timid Madaxtooyadii iyadoo aad u faraxsan oo sugaysa inuu u saro kaco.
Nasiib daro, Boqorkii (Tuur) wuxuu yidhi  kol hadaan mar dambe lay soo helayn inta lay tuuro waxba ugama baahni ee Habarta celiya.
Islaantaasina waxay noqotay Duqdii ugu nasiibka xumayd, Boqorkaasuna wuxuu noqday Boqorkii ugu abaalka xumaa.
Bal adba…..

3-
Waxa jiray Sheekh ku noolaa Waddan xaaraanta, boobka iyo dhacu ka hana qaaday.
Sheekhaa oo aad  loogu han weynaa” Oday loo han weynaa oo lagu hoogay badanaa” oo xaaraanta ka dheeraa una dhabar adayga muddo badan una jeestay cibaado iyo Alle ka cabsi.

Sheekhaasu wuxuu ka foojignaa kana fogaa  inay isaga iyo ubadkiisuba ka qayb qaataan dhiiga iyo dhaxalka agoomaha loo tafo xaytay.

Nasiib daro, Sheekhii waxa uu ku dambeeyay arrinkiisii “ Boqol soonkii bakhtiga ku afuray”oo dhankiisa ayuu ka bilaabay xaarantii uu in badan ka wacdiyi jiray Dadka.
Waxaad dareemaysaa adkaysiga iyo
Damiirka Aadamyhu inuu yahay wakhti oo aan meel loogu soo hagaagaa jirin.

Sheekadani waxay noqotay arrin looma
Qaataan ah kana yaabisay ciddii
Maqashay yar iyo wayn oo u muuqatay  kuna xusuusin karta “Riyaha Ri baan xaydh kaga ogaa lagase waa”

Waxa ka sii daran inay noqotay “ Sakaaro…… muuqday aas aastaa iyo dhuumasho dhabarku muuqdo” iyo dhaqan u gaara wax laysla og yahay oon qarsoomayn Hebelo ku sheeg xoolahaa xaaraanta ah.

Akhriste,waxaan ku waydiin lahaa Dalkeenu ma leeyahay cid dhaqankaa leh, mase taqaanaa, haddiise uu jiro muxuu yahay Magaca loo bixin lahaa?
Anigu kolay xagayga waxaan odhan lahaa:-

Ninkii bilicdiyo
Basarka lahaa
Ninkii Beelaha
Ka bidhaanaa
Ninkii boqolka inan
Kasoo dhex baxayee
Loona bogi jiray

Dhibta baladkana
Biidhi qaataha
Ka badheedhee
Buus kuwda yidhi
Ninkii boolida
Debed uga baxay
Bisina ka qabsaday

Waaba bixisee
Bilaash weeyee
Bishii Ramadaan
Ee baryada Illaah
Dadku badin jiray
Miyuu bakhtigii iyo
Wax baas ku afuray

Bal adba…..

COMMENTS