Suldaan Cabdilaahi Laydh oo Tacsiyadeeyay Geerida Naxdinta leh ee Ku Timi Xaaji Cabi Waraabe
May 11, 2019 - Written by admin
suldaan cabdilahi axmed cilmi maxamed oo kamida madaxdhaqameedka reer somaliland gaar ahaan kuwa caasimadda ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo mujtamaca somaliland ee uu ka baxay xaaji cabdi kariin xuseen yuusuf (xaaji cabdi waraabe) oo maalintii shalay ku geeriyooday caasimadda hargeysa

suldaanka ayaa xaajiga ku sifeeyay hormuudka nabadda somaliland waxaanu sheegay inuu door muhiim ah kasoo qaatay nabadayntii kala duwanayd ee dalka
ugu dambayntii wuxuu suldaanku xaajiga ilaahay uga baryay inuu naxaristii janno ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo aamiin aamiin
Inaalilaahu Wa Inaa Ilayhi raajicuun
Like this:
Like Loading...
COMMENTS