BALIGUBADLE MEDIA
Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex oo Ganafka Ku Dhufatay Dhagaysiga Dacwadda Xildhibaan Dhakool
May 11, 2019 - Written by admin

Waxa saaka Maxkamadda gobolka Maroodijeex la horkeennay Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan Mudanayaasha aqalka Wakiillada oo habbeen hore ay Ciiddammada Boolisku Xabsiga u taxaabbeen.

xildhiban dhaklool

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex Cabdi Qawdhan ayaa ganafka ku dhuftay Dacwaddii lagu soo ooggay Xildhibaan Dhakool, waxaannu sheegay inaanu Xadhiga Xildhibaan Dhakool sharciga khilaafsan yahay, maaddaama aan Xasaannada laga qaadin.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodijeex Cabdi Qawdhan waxa kale, oo uu sheegay inaanay Maxkamaddu dhagaysanayn eeddaymaha loo haysto Xildhibaan Dhakool ilaa inta golaha Wakiilladu ay ka fadhiisanayaan, isla markaanna ay Xasaannada ka qaaddayaan, hase yeeshee imika Xadhigiisu uu Sharci-daro yahay, waxaanna dib loogu celiyay xarunta CID-da ee Caasimadda Hargeisa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS