BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Maxaabiista Puntland Ee Uu Sii Daayay
May 28, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa go’aansaday in uu sii daayo dhammaan maxaabiistii Puntland ee ciidamada Somaliland ku soo qabteen dagaalkii Tukaraq oo horraantii sanadkii hore dhacay. Wareegto uu soo saaray madaxweynuhu ayaa lagu sheegay in dhammaan la sii daynayo maxaabiista oo 14 ah.

madaxwayne biixidaxwaynemadaxwayne biixi

Qoraal kooban oo madaxweyne Biixi ku qoray boggiisa Twitter-ka ayuu ku yidhi “Aniga oo tixgelinaya ammaanka iyo nabadda gobolka waxa aan cafis madaxweyne u fidiyay dhammaan 14-kii Maxbuus ee Ciidanka Qaranka Somaliland kaga qabsaday Puntland dagaalkii Tukaraq.”

Geesta kale afhayeenka madaxweynaha Somaliland Md Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sheegay in Somaliland laba maxbuus lagaga qabtay dagaalkii Tukaraq “Somaliland laba maxbuus ayaa laga qabtay, labada maxbuusna maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa gacanta ku haya anagu maxaabiistii aanu haynay waa naga sii daynay madaxweynuhuna waxa uu go’aansaday in uu 14-kaas maxbuus cafis u fidiyo

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS