BALIGUBADLE MEDIA
Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Dhex Maray Ciidamadda Somaliland Iyo Puntland
May 22, 2019 - Written by admin

Ciidamada somaliland iyo kuwa maamulka Punland ayuu dagaal ku dhexmaray deegaanka dhamala Cagara oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Dagaalkan oo khasaare dhimasho ahi ka dhashay ayaa yimid ka dib markii wasiirka waxbarashada maamulka Puntland uu isku dayey inuu socdaal ku yimaado deegaanka Carmala oo ka tirsan gobolka Badhan oo uu wakhtigaas ku sugnaa wasiirka cadaalada somaliland.

breaking news

Warar laga helayo deegaanka gobolka Badhan ayaa sheegaya in ciidamada somaliland ay is hortaageen wasiirka waxbarashada maamulka Puntland ka dib markii uu isku dayey inuu soo galo deegaanka Carmala oo uu ku sugnaa wasiirka cadaalada somaliland.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka arimaha gudaha maamulka Puntland Muuse Deeq Soomajeeste ayaa shaaciyey khasaare ciidanka Puntland ka soo gaadhay dagaal deegaanka Dhamala Cagare ku dhexmaray ciidamada qaranka somaliland “Sadex qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen kuwaas oo maamulka Puntland ka dhintay, dhinaca kalana dhaawacyo iyo maydad badan ayaa laga sheegayaa.”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ee maamulka Puntland oo la hadlay bulshotv.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS