Gudidda Joogtadda Ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo Ku Gacan Saydhay Dalab Uga Yimid Xukuumadda Somaliland
May 12, 2019 - Written by admin
Guddida Joogtadda ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ku gacan saydhay dalab xukuumadda somaliland ku dalbanaysay in xasaanadda lagaga xayuubiyo xildhibaan maxamed axmed dhakool oo ka tirsan golaha wakiiladda somaliland

guddida ayaa sheegtay in xadhiga lagula kacay xuldhibaan maxamed axmed dhakool yahay mid sharci darro ah islamarkaana xukuumadda looga baahanyahay inay ilaaliso sharciyadda dalka u taala maadaama oo mudooyinkan dambe xukuumaddu caadaysatay gafafka ay kula kacayso sharciga dalka u yaala
si kastaba ha ahaatee maalintii shalay ayay ahayd markii maxkamadda gobolka maroodijeex ka biyo diiday inay furto galdacwadeedka xildhibaan dhakool taas oo ay ku macnaysay in kahor inta aan maxkamadda loo soo gudbin ay u gudbiyaan golaha wakiiladda si xasaanadda looga qaado
isku soo wada duuboo waa talaabadii saddexaad ee madaxwayne biixi qaado bishan u dmabaysay ee uu ku fashilmo arintaas oo muujinaysa ka fiirsi la’aanta go’aamadda hore ee kasoo baxa madaxwaynaha iyo xukuumadiisa
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS