BALIGUBADLE MEDIA
Ururka Solja oo Bilaabay Qorshe Xilka Lagaga Xayuubinayo Gudoomiyaha Ururkaas
April 29, 2019 - Written by admin

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  ayaa xilkii gudoomiye-nimo  kaa qadaya gudoomiyihii Ururkaasi Maxamuud Cabdi Jaamac ( Xuuto )

Xarunta dhexe ee Ururkaaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa waxaa saaka kulan deg deg ah iskugu yimid guddida boodhka  ee Ururka SOLJA kuwaas oo ujeedkoodu aheyd  inay xilka ka qaadan Gudoomiyaha isla  markaana ay ku doortan masuulkii bedeli lahaa

xuuto

Tirrada xubnaha  saaka kulanka isku yimid ayaa ahaa 9  xubnood iyada oo  tirrada guud ee Guddida boodhka SOLJA ay tahay 15 xubnood , waxaana uu kooramka shirku ku furmaa 8 xubnood

Hadda-ba  Intii aanay  xubnaha guddida  SOLJA  bilaabin codeyntooda ayaa waxaa xarunta si kadis ah u soo galay odayaal ka tirsan saxafiyiinta Somaliland oo ergo u ahaa Gudoomiye Xuuto  iyo sidoo kale masuulyiin ka tirsan Wasaarada Warfaafinta oo uu hogaaminaayo Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta ,  waxaana ay codsadeen in hal maalin dib loogu dhigo codeynta xil ka qaadistiisa , taas oo ay ka aqbaleen guddidii goobta fadhiday .

Guddida xil kaaqadista ku wada Gudoomiye Xuuto ayaa waxaa ay ku eedeynayaan gudoomiyaha Hanti Lunsi ,  xisaab xidh la,aan , maamul xumo iyo taladii SOLJA oo uu isku koobay .

Guddida Boodhka ee Ururka SOLJA ayaa waxaa ay yahiin kuwa xaqa u leh inay xilka ka qaadan gudoomiyaha , gudoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS