Somaliland Qiimaha Sarifka oo Hoos U Dhac Wayni Ku Yimi Iyo Maciishadii oo Aanay Waxba Iska Badalin
April 15, 2019 - Written by admin
Qiimaha Sarifka Dolarka ayaa maanta magaaladda hargeysa ka maraya 87000 somaliland tobankii dolar halka uu hore u ahaa boqol kun oo somaliland ah waxaana muuqata in qiimaha sarifka doolarku hoos u dhac wayni ku yimi balse waxa aan ilaa hadda is badalin dhinaca maciishadda iyo alaabaha kala gadisan kuwaas oo halkoodii ah

lama garanayo sababta ganacsatadu maciishadda ay iibiyaan ugu salayn waayeen hoos u dhaca ku yimi sarifka iyadoo ay xusid mudan tahay in marka qiimaha sarifka doolarku kor u kaco ay ganacsatadu kor u qaadaan balse taas bedelkeeda waxa ku adag inay hoos u dhigaan maciishadda kala duwan marka sarifku hoos u dhaco taas oo layaab ku noqotay bulshadda somaliland oo la ildaran sixir bararka maciishadda ah
si kastaba ha ahaatee xukuumadda somaliland ayaa looga fadhyaa inay ganacsatadda kula xisaabtanto arimaha noocan ah oo bulshadda ku ah kadeed iyo dhibaato
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS