BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Magacaabay Sadex Wasiir oo Kamid Noqonaya Xukuumadiisa
April 18, 2019 - Written by admin

Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa magacaabay sadex masuul oo ka mid noqonaya xukuumadiisa.

three

Raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa xukuumadiisa ku soo daray sadex wasiir oo xilalna ka soo qabtay qaar ka mid ah maamulada dalka Itoobiya.

Madaxweynihii hore maamulka gobolka Amxaarada Gedu Andargachew ayuu raysal wasaaraha Itoobiya u magacaabay inuu noqdo wasiirka arimaha dibada Itoobiya, waxaanu xafiiska ka badalayaWorkneh Gebeyehu oo xil cusub looga magacaabay qaramada midoobay.

Sidoo kale raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa wasiirka gaashaandhiga u magacaabay madaxweynihii maamulka Oromada Lemma Megresa, halka uu wasiirka horumarinta iyo dhismahana u magacaabay haweenayda Eng Aish Mohammed.

Sidoo kale baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa fadhi ay iskugu yimaadeen waxay codka kalsoonida u qaadeen wasiirada cusub ee raysal wasaaruhu magacaabay kuwaas oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, iyada oo wasiiraduna ay si toos ah u bilaabi doonaan shaqadooda.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS