Muuse Biixi oo Ku Fashilmay Hogaaminta Dalka Somaliland oo Gashay Marxalad Qalalaase Iyo Baandoo Lagu Soo Rogay Goboladda Dalka
April 30, 2019 - Written by admin
Madaxwaynaha somaliland mudane muuse biixi cabdi ayaa ku fashilmay hogaaminta umadda somaliland kadib muddo sanad iyo badh ah oo uu taladda dalka hayayay wuxuu dalka somaliland galay marxalad aad u xun islamarkaana hoos u dhac wayn ku keentay amniga guud ee qaranka somaliland

mudadii uu madaxwaynuhu xilka hayay wuxuu buux dhaafiyay xabsiyadda dlaka iyadoo cabudhin iyo carjuuqdheh ehel u noqdeen xukuumadiisa waxa sidoo kale xadhkaha goostay laynta saraakiisha ciidamadda iyadoo habeenkii xalay ee u dambaysay laba sarkaal ooo ka tirsan ciidamadda amaanka lagu dilay deegaano ka tirsan gobolka sanaag
sidoo kale xukuumadda madaxwayne biixi ayaa ku fashilantay inay gacanta kusoo dhigto dablaydii weerarka gaysatay oo ay ilaa hadda ku hareeraysanyihiin ciidamadda amaanku
dhanka kale xukuumadda madaxwayne biixi ayaa xaalad dagdaga oo saddex sanno ah galisay qaybo kamida dalka taas oo warwar wayn ku beertay guud ahaan shacabka somaliland islamarkaana wiiqaysa sumcadii nabadgalyo ee somaliland ka iibin jirtay beesha caalamka
isku soo wada duuboo madaxwayne biixi ayaa ku fashilmay hogaaminta umadda somaliland isagoo dalkii galiyay qas iyo qalalaase aan laga filayn
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS