BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Hadhimo Sharafeed Ku Qaabilay Waxgaradka Iyo Odayaasha Goboladda Sanaag Iyo Badhan
April 22, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha J Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay salaadiin, isimmo, cuqaal, aqoonyahan iyo waxgarad kasoo jeeda deegaannada Sanaag Bari iyo gobolka Badhan oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ku joogay caasimadda Hargeysa.

dibiqale12

Hadhimadan uu madaxweynuhu ku maamuusay waxgaradka kasoo jeeda gobolka Badhan iyo Sanaag Bari oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, xildhibaanno, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo waxgaradka kasoo jeeda Sanaag Bari iyo gobolka Badhan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS