“Muuse Biixi Hays Casilo, Khibrad Aan Ahayn Qabyaalad Iyo Dagaal Sokeeye Ma Hayo.”…Gud Maxamedsidiiq Dhame.
April 30, 2019 - Written by admin
Gudoomiyaha Garabka dhalinyarada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamedsidiiq Dhame ayaa ka hadlay xaalada deg dega ah ee madaxweyne Muuse Biixi ku soo rogay gobolada bariga.

Gudoomiye Dhame ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ugu baaqay shacabka gobolada bari inay ka horyimaadaan amarka madaxweynaha, waxaanu Muuse Biixi u soo jeediyey inuu is casilo.
Gudoomiye Dhame ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Kibirka iyo kalitalisnimada Muuse Biixi Gobollada Bari yaanay aqbalin, suuragal maaha bandooda iyo cabudhinta Millatari ee Saddexda bilood la dul-dhigay. Xilka qaranka KULMIYE ayaa dayacay, aminga, dawladimada, caddaalada iyo sinnaanta shacabka iyagaa ku fashilmay hays casilaan, Muuse Biixi khibrad aan ahayn qabayaald, qoqob, dumin iyo dagaallo sokeeye ma hayo! Waa in heeryada dulmiga layska rogaa oo bulshada Somailand baraarugtaa.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS