Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Dhex Maray Salaadiinta Beelaha Arab Iyo Ganacsatadii Dhexdhexaadinta Waday ?
April 9, 2019 - Written by admin
kulan laba geesod ah oo ay maanta wada yeesheen qaar kamid ah ganacsatadda waawayn ee somaliland oo ku jira iyagu sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka cakiran ee ka dhex bilaabmay xukuumadda somailand iyo ganacsadde axmed cismaan ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamida salaadiinta beelaha ARAB kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan khilaafka la isku hayo islamarkaana ku war galiyay salaadiinta inay iyagu dhexdhexaadin galeen islamarkaana ay sidaa uga war hayaan salaadiintu

kulanka oo ka dhacay hotel ambassador lama sheegin waxa kasoo baxay balse qodobka ugu wayn ayaa ahaa in ganacsataddu salaadiinta ku wargaliyaan inay dhex dhexaadin ku jiraan
si kasta ha ahaatee xukuumadda somaliland ayaa iyadu la safatay dawladda jabuuti oo mudooyinkii u dambeeyay khilaaf baahsani ka dhexeeyay ganacsadde axmed cismaan taasoo keentay inay lunto kalsoonidii shacabku ku qabeen xukuumadda madaxwayne biixi
Isha Ku Hay Baligubadllemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS