BALIGUBADLE MEDIA
Maraykanka Iyo Maxkamada caaalamiga Ah Ee ICC Oo Is Maandhaaf Soo Kala Dhex Galay
April 5, 2019 - Written by admin

Maraykanka Iyo Maxkamada caaalamiga Ah Ee ICC Oo Is Maandhaaf Soo Kala Dhex Galay Mareykanka ayaa dal ku galka kala noqday dacwad oogaha guud ee maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, Fatou Bensouda.

ICC
Fatou Bensouda ayaa baareysay eedeymo ah in ciidammada Mareykanka iyo xulufadooda ay dambiyo dagaal ka geysteen dalka Afqanistaan.

Image result for international criminal court

Bishii lasoo dhaafay, Mareykanka wuxuu ka digay suurtagalnimada ah in uu u diidi doono ama uu kala noqon doono dal ku galka Mareykanka garsoore kasta oo ka tirsan maxkamadda ICC oo lala xiriirinayo baaritaanada.

Dacwad oogaha guud ee maxkamadda dambiyada caalamiga Fatou Bensouda ayaa ku adkeysatay inay sii wadi doonto shaqadeeda iyadoo aysan wax cabsi ah ku jirin ama wax eexasho ah.

Mareykanka xubin kama aha dalalka ka tirsan ICC.

Mareykanka wuxuu ka xumaaday baaritanno ay maxkamadda ku sameyneysay eedeymo ah in ciidammadiisa ay dambiyo dagaal ka geysteen dalka Afqanistaan.

Sannadkii 2012-kii, dalalka ka tirsan Midowga Afrika ayaa si weyn ugu ololeeyay in Bensouda ay noqoto dacwad oogaha guud ee maxkamadda kaddib markii dacwad oogihii jagadan ka horreeyay Luis Moreno-Ocampo ay ku eedeeyeen inuu baaritannada ku bartilmaameedsanayay hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika.

Luis Moreno-Ocampo ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay.

Source:-BBCsomali

COMMENTS