BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo Hub Iyo Saanad Milatari Ka Dalbaday Dawladda Imaaraadka Carabta
April 19, 2019 - Written by admin

Madaxwaynaha somaliland mudane muuse biixi cabdi oo u muuqda mid lumiyay kalsoonidii shacabka ayaa dawladda imaaraadka carabta waydiistay inay siiyaan hub iyo saanad ciidan oo loogu deeqo

madaxwayne muuse

madaxwayne biixi oo ku guuldaraystay hogaaminta dalka ayaa u muuqda inuu miciin bidayo sidii uu awoodiisa ciidan u xoojin lahaa si awood ugu adeegsado shacabka inkastoo ay adagtahay in qarankan lagu haysto hub iyo saanad ciidan hadana maadaama oo aanu madaxwaynuhu lahayn aqoon kale oo uu dalka ku hago islamarkaana uu yahay askari wuxuu door bidayaa sidii uu awooda ciidan ee dawladiisa u kobcin lahaa si uu cadaadiska shacab ee kahor yimaada ugu adeegsado

madaxwayne biixi ayaa soo afjaray dimuqraadiyadii somaliland isagoo inta badan ku celceliya in dimuqraadiyadu tahay mushkilada kaliya ee somaliland faraha la gashay isagoo u gogol xaadhaya nidaam milatari oo uu dalka ku qabsado balse madaxwayne biixi oo muddo 30 sanno ah ku sugnaa gudaha somaliland ayaa moogan in nidaamka dawladnimo ee somaliland yahay beelo nabad galyo iyo maamul wanaag ku heshiiyay islamarkaana ciidamadda isku darsday sidaas awgeedna aanay u suurtoobi karin arrimaha uu ku fikirayaa

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS