BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Ka War Bixiyay.
April 21, 2019 - Written by admin

Waftigii uu hogaaminaayey madaxweynaha Somaliland ayaa dib ugu soo laabtey maanta magaalada Hargeysa kadib safar laba maalmood qaatey oo ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta .

faratoon

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa faah faahin ka bixiyey   waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxweyne Biixi iyo Imaaraadku waxaana uu sheegay ugu horeyn in ay ka wada hadleen arimaha amniga gaar ahaan mandaqada Geeska xaaladeeda amaan
Sidoo kale Wasiir Faratoon ayaa sheegay in dawlada Imaraadka iyo Somaliland ay isla  waafaqeen in Garoonka diyaaraha ee Berbera oo Imaaraadku saldhig ciidan ka sameynaayo iyo in loo isticmaali karo diyaaraha rakaabka iyo xamuulka oo ay iyana soo fadhisaan karaan oo labada arimood ba lagu wada qaban doono

Dhinaca kale Somaliland iyo Imaaraadka ayaa isla waafaqay inay wada dhistaan shirkad xoolaha nool   ee Somaliland u iibgaysa dalalka Aduunka

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS