Madaxwaynaha Puntland oo Kulamo Wada Xaajooda La Qaatay Madaxda Dawladda Imaaraadka Iyo Dp World
April 15, 2019 - Written by admin
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa magalada Dubai kulan kula qaatay madaxa shirkada DP World.
Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa war ka soo saartay kulanka dhexmaray labada dhinac iyo waxyaabihii lagaga hadlay, waxaanu warkaasi u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa magaalada Dubai kulan kula qaatay madaxda shirkadda duulimaadyada ee Fly Dubai.
Kulankan oo muhiimad gaara lahaa ayaa waxaa looga wada hadlay sidii shirkadda Fly Dubai ay duulimaadyo uga samyn lahayd Garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee Puntland maadaama ay Dowladda Puntland leedahay Garoomo si casri ah u dhisan laguna samayn karo duulimaadyo heer caalami ah.
Madaxda Shirkadda Fly Dubai ayaa xustay in kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Dowladda Puntland uu yahay mid muhiimad gaara u leh, ayna soo dhoweynayaan wada xaajoodka ku salaysan isku xidhka Puntland iyo Imaaraadka, waxaa ayna balan qaadeen in ay wakhti dhow duulimaadyadooda ka bilaabi doonaan Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa dhanka kale markuu kulanku soo idlaaday kulan la yeeshay madaxda shirkadda Fly Dubai, waxyna ka wadahadleen qaabka ugu macquulsan oo ay shirkadu wadashaqayn dhow ula yeelan lahayd Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, waxaana shirkaasi kusoo dhammaaday is afgarad.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in dowladda Puntland ay ka go’antahay horumarinta Garoomada iyo sidii Puntland ay ula jaan-qaadi lahayd wadamada horumaray, waxaana uu shirkadda Fly Dubai uga mahadnaqay soo dhaweynta wanaagsan ee ay kula kulmeen isaga iyo waftigiisa.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS