BALIGUBADLE MEDIA
Kulankii Muuse Biixi Iyo Madaxweynaha Puntland + Khilaaf ka Dhex-qarxay Imaaradka Carabta Iyo Madaxweynaha Somaliland
April 19, 2019 - Written by editor

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay in khilaaf soo kala dhex-galay Imaaradka Carabta, isla markaana Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa safar degdeg ah oo shalay  ku dhashay markii war iyo macluumaad halis ah oo khatar ku ah arrimaha siyaasaddiisa iyo xidhiidhka ka dhaxeeya xukuumadda Muuse Biixi iyo Imaaradka Carabta degdeg ugu baxay dalka Isu-taga Imaaradka Carabta.

muuse-Biixi-

Xogo lagu kalsoon yahay, kana ag-dhaw xafiiska safiirka u fadhiya Somaliland imaaradka Carabta Muniir Abusite, ayaa u sheegay Warbaahinta Baraarugnews.net in bishii saddexaad ee sannadkan 9/ Mar/, 2019-ka  oo  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo safar kan  shalay ka horeeyay  ku tegay dalka isu-tagga Imaaaraadka Carabta, kulamo hoose oo dhex-maray  Madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxda shirkadda DP-World oo uu hogaaminayey maamulaha shirkada Sultan Ahmed Bin Sulayem ka dalbaday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi madaxda shirkadda DP World inay tusaan heshiiskii ay kala saxeexdeen xukuumaddii Madaxweynihii xilka ka degay ee Axmed Siilaanyo ee shirkadda DP World ee balaadhinaysa dekeda magaalada Berbera, Balse xogahaa ayaa tibaaxay in markii Muuse Biixi uu waydiiyey su’aalo u dhacaayey lacago iyo heshiis cusub oo mashaariix cusub iyo heshiisyadii hore waxay ahaayeen oo aannuu ku kalsoonayn xogta iyo macluumaadka ay ku wareejiyeen  dawladdii Madaxweynihii xilka ka degay Axmed Siilaanyo, qaybna ka ahaa Muuse Biixi oo xiligaa ahaa Guddoomiyaha Xisbi-xaakimka Talada haya ee kulmiye heshiiskii DP World ee xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo wada galeen. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweyne Muuse Biixi  oo hadalo badan oo is burinaaya ka yidhi shirka qarsoodiga ah ee dhex-maray madaxda shirkadda DP World, isla markaana xogahaa oo ka ag-dhawaa goobta wada hadalku ku dhex-maray Muuse Biixi iyo Madaxda DP World iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda imaaradka carabta, ayaa xusay  in isu-taga dalka  Imaaradka Carabta uu sawirkii hadalkiisa uga soo baxay safarkiisii labaad ee ka horeeyay safarka saddexaad ee shalay uu ku tegay  Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Imaaradka, markiiba wuxuu yahay iyo fahamkiisa nidaamka u wada xidhiidhaan ama u wada dhaqmaan xidhiidhka siyaasadda iyo ganacsiga dhinaca istaraajiyadda dekadaha ee  biyaha badda ee dawladaha wadamadda kala duwan u wada-macaamilaan in aanu aqoon badan iyo arragti sidaa u wayn ka haysan ama u laheyn Muuse Biixi ayaa u soo baxday, iyadoo Imaaradka Carabta ay u muuqatay innay isku halayn karin masuuliyada uu qaadayo iyo hab-dhaqankiisa hogaamiyeed ee xilligan gacanta ku haya dawladda Somaliland aanu aheyn shakhsi aan ku wanaagsanayn nidaamka maamul.

Sidoo kale, xogahaa ayaa caddeeyay in madaxda shirkadda DP World ay ka boodeen qaabka uu wax u wado,  una arkeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi mid ka hor-yimi danihii ka lahaayeen Imaaradka carabtu dekedaha iyo biyaha Somaliland,isla markaana waxyaabaha soo dedejiyey khilaafka Imaaradka carabta  iyo Madaxweynaha Somailand ayaa la sheegay inay qayb ka tahay markii Madaxda shirkadda DP World ay ogaadeen ama heleen macluumaad rag masuuliyiin ka tirsan dawladda Muuse Biixi, laakiin ah sirdoon u shaqeeya Imaaradka Carabta iyo madaxda DP World u gudbiyeen  in Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar  Geelle uu gacanta ku hayo oo awood badan ku leeyahay xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,iyadoo xubnaha Imaaradka u shaqeeya oo ku sugan gudaha Somaliland ayaa la sheegay in macluumaadka u gudbiyeen Imaaradka Carabta ay ku jirtay xog iyo macluumaad xabaarsan cadaymaha xidhiidh hoose oo qarsoodiya oo ka dhaxeeyay Madaxweyne Muuse Biixi, Ganacsadayaal ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha Somaliland oo ka mid yihiin Maxamed Aw-siciid, Oomaar, Baxsane iyo xubno wasiiro iyo Agaasimayaal ku jira xukuumadda Muuse Biixi, kana mid yihiin Agaasimaha  madaxtooyada Hargeysa Maxamed Cali Bille inay u shaqeeyaan Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil cumar Geelle. Balse xogahaa ayaa hoosta ka xariiqay in shakiga Imaaradka carabta ee ay ka boodeen Madaxweyne Muuse Biixi ay qayb weyn ka aheyd markii xukuumadda Muuse Biixi damacday in ay madaxweynaha dawladda Jabuuti u gacan galiso ganacsadaha u dhashay Somaliland Axmed Ismaaciil Geelle ee leh shirkadda soo saarta sharaabyada kala duwan ee Somaliland S,B,I. Inkastoo xogahaasi  tilmaameen waxyaabaha ay layaabeen, sida weyna uga xanaaqeen madaxda shirkadda DP World aheyd warsaxaafadeedkii ka soo baxay xafiiska madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee afhayeenka Madaxweynaha Somaliland kaga hadlay arrinta la xidhiidha Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil cumar geelle iyo ganacsadaha dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland Axmed Cismaan Geelle, markii Madaxweyne Muuse Biixi la saftay Madaxweynaha Jabuuti, laakiin markii dambe  isku daygii qabashada ganacsadaha ku fashilmeen dawladda Muuse Biixi iyo madaxweynaha Jabuuti.

Geesta kale,Xogahaa ayaa sheegay in Imaaradka Carabtu kaga jawaabay arrimaha ka hor-imanaaya danaha ay ka leeyihiin Somaliland in markiiba dalab marti-qaad hoose oo qaab qarsoodiya, warbaahinta Imaaradka iyo kuwa caalamkaba laga qariyey ugu yeedheen Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan cirro, si heer sare ahna loo soo dhaweeyay, walina madax sar-sare oo Imaaradka ah martiqaad ay u fidiyeen Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro  wada yeesheen Imaaradka Carabta. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markii uu ogaaday kulanka qarsoodiga ah ee dhexmaray Imaaradka Carabta iyo Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro degdeg safar ugu baxay Imaaradka Carabta, iyadoo la marti-qaadin, laakiin Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Faratoon oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la martiqaaday Muuse Biixi, laakiin warkaas wasiir faratoon wax-ba kama jiraan oo shacabka Somaliland ayaa lagu jeedinayey. Mana jirto dalab macsuumad ah oo Imaaradka carabtu u soo diray Madaxweyne Muuse Biixi cabdi,Iyadoo xogahaasi sheegeen in todobaadyadii hore ee aynu soo dhaafnay Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan cirro dib uga noqday Imaaradka Carabta oo kulan saacado kooban oo qarsoodiya uu ahaa kulankii dhex-maray Imaaradka Carabta, laakiin Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro markiiba wuxuu ku laabtay Yurub, isla markaana Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si meeqan hoose oo ka duwan, sidii loo soo dhaweyn jiray  looma soo dhaweyn safarkan uu immika ku tegay imaaradka carabta.Isla markaana waxa la sheegay in jimcihii caawa Madaxweynaha maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland Siciid Denay iyo Muuse Biixi ku wada kulmeen huteel ku yaala magaalada Dubia, kuna wehelinayeen xubno masuuliyiin xil ka soo qabtay puntland.

Xigasho: Baraarugnews.net

COMMENTS