BALIGUBADLE MEDIA
Ergo Ganacsato ah oo Dhex-dhexaadin ka Dhex Bilaabmay Ganacsadde Axmed Cismaan iyo Madaxwayne Muuse Biixi
April 9, 2019 - Written by admin

Qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland ayaa isu xilqaamay dejinta xiisadda soo kala dhex gashay ganacsade Axmed Cismaan Geelle Arab iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

axmed cismaan iyo muuse biixi

Ganacsatada ayaa kulan la qaatay madaxweyne Biixi kana dhegaystay warbixin ku saabsan xiisadda muddooyinkii u dambeeyay cirka isku shareertay kadibna waxay kula la qaateen Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo ay isna xog waraysteen.

Sida uu ku warramayo wargeyska Geeska Afrika labada dhinacba waxay ganacsatada siiyeen kalsoonida dejinta arrintan waxaanay ku guulaysteen hakinta hadallo kulul oo hore ay saxaafadda isugu mariyeen.

Lama oga in dhexdhexaadinta ganacsatadu gaadhi doono ilaa dawladda Jabuuti oo khilaaf ka dhexeeyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo in ay ku eekaan doonto dejinta xiisaddan ee gudaha Somaliland oo todobaadadii u dambeeyay si weyn loo dareemay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS